NISA OO BAAHISAY TIRADA AKOONADA ALSHABAAB EY XIRTAY.
(SAWIRKA)-NISA AYA BAHISAY JAANTUUSKAN.
9MUQDISHO)-Waxaa weli si xawli ah u socdo dagaalka adag ey Dawladda Fedraalka kula jirto kooxda AL-shabaab,waxaane isa soo taraayo talaabooyinka ey Dawladda Federaalka qaaday bilihii aan soo dhaafnay. In ALshabaab la cunaqabateeyo wa wax aad muhiim u ah laguna wiiqi karo awoodooda dhaqaale iyo midooda Warbaahineed. Dhawr maalin ka hor ayey ahayd markii Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu soo bandhigay warbixin uu ku muujinaayo hawlgal lagu sameeyey Akoonada kooxda ALshabaab iyo lacagha ku jira,waxa eyna Xeer ilaalintu sheegtay in la xiray dhawr Akoon ey leheed kooxda ALshabaab kuwa kalane uu ku socod baaritaan. Waxyaabaha lagala soo kulmay Akoonada ALshabaab ayaa ah in la soo helay hal Milyan oo doolarka Maraykanka ey kooxdu iska leheed,lacagtaas ayey Xeer ilaalintu ku sheegtay in DFS ey la wareegtay. Hadaba Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa shaacisay iney xirtay in ka badan 12-kun Akoon kuwaaso kooxda ALshabaab u isticmaali jirtay Faafinta Wararka Been Abuurka ah iyo Marin habaabinta dad Soomaaliyeed. NISA ayaa sheegtay in Akoonada la soo Afjaray ey ka wada furnaayeen Baraha Bulshada qeybahooda kala duwan sida{ FACEBOOK, TWITTER, TELEGRAM, TIKTOK} waa sida xusan Qoraalka ka soo baxay NISA,waxa uuna qoraalka NISA leeyahay”Hayadda NISA oo kaashaneysa Hayadaha DFS ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay iney xiraan 12,010-Akoon oo isugu jira Bara Bulsho iyo Websaadyo wararka lagu daabaco kuwaaso dhammaantood loo adeegsado faafinta fikir Argagixisada. Baraha la xiray oo u badnaa kuwa aan lahayn tixraac iyo taageerayaal ku xiran midna ayey kooxda ALshabaab u furteen si dhuumaleysi ah iyagoo isticmaalaayo sawiro iyo magacyo aan jiri.
ISHA-SNTV.