(SANCA): MARAYKANKA OO DUQEEYEY CAASIMADDA YEMAN.

(SAWIRKA)-DIYAARADAH DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SANA’A-YE)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ey duqeeyn la beegsadeen goobo ey ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo ku yaalo caasimadda dalka Yeman ee Sanca. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqeynta saxda ah lala beegsaday Xarun ey Xuutiyiinta ku leeyihiin magaaladda Sanca. Sidoo kale,waxaa la sheegay in Xarunta la bartilmaameedsaday ey ahayd Xarun xiriirisa hawlgaladda Xuutiyiinta,sida weerarada ka dhanka ah Maraakiibta dagaalka ee Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa carabka ku adkeeyey in weerarka lagu qaaday Xuutiyiinta uu ka tarjumaayo sida ey uga go’an tahay sii wadida taliska dhexe ee Maraykanka CENTCOM,Ciidamadda Isbahaysiga,Saaxibadda Gobolka iyo Maraakiibta Caalamiga ah. Dadka degaanka ayaa AL-Carabiya.Net u sheegay iney maqleen qaraxyo xoogan laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaaladda caasimadda ah ee Sanca waqti dambe caawa oo Isniin ah. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyey in duqeynta lala beegsaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xuutiyiinta ey ku leeyihiin degaanka AL-Cardi ee bartmaha caasimadda Sanca iyo xerada ciidamadda AL-Xafa’a. Kanaalka Xuutiyiinta ayaa sheegay goor dambe oo caaw oo Isniin ah in weerarka ey fuliyeen Maraykanka ey ku bartilmaameedsadeen dhismaha AL-Cardi ee ku yaalo caasimadda Yeman ee Sanca. Kooxda xulafada la ah dalka Iraan ee Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa muddo sannad ah weerar ku qaadeysay Maraakiibta Ganacsiga ee mareysa Badda Cas,iyagoo isk dayey iney go’odoomiyaan ciidamadda badda ee Isra’iil,iyagoo sheegay iney u dhaqmayaan si ey garab istaagaan dadka reer Falastiin kuwaso uu socdo dagaal sannad qaatay oo ey Isra’iil ka waday Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

SHIRKADA TIKTOK OO RACFAAN KA QAADATAY DACW…

Next
Next

NISA OO BAAHISAY TIRADA AKOONADA ALSHABAAB EY XIRTAY.