GUDOOMIYE AMIIR OO BOOQDAY DHISMAHA G/B.

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA CUSUB EE B/BANADIR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaayne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) uu maanta si diiran ugu soo dhaweeyey Xafiiskiisa uu ka sii baxaayo Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Gobolka Banaadir Md.Maxamed Axmed Amiir. Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho waxa uu kulan kula yeeshay Gudoomiye Ku-Xigeenadda Goblka Banaadir,waxa uuna komeer kooban ku sameeyey xarumaha kala ah”CAAFIMAADKA, DAD DHIGISTA,GAADIIDKA,GURMADKA DEG DEGA AH iyo DHALLINYARADA” iyo Xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dawladda Hoose ee Xamar. Gudoomiye Maxamed Amiir ayaa u kuurgalay hawlaha shaqo ee ka socdo Waaxyaha uu maanta soo booqday isagoo Warbixino ka dhegaystay Madaxda Waaxyahaas.

ISHA.GB.

Previous
Previous

RW-SAALAX OO BOOQDAY WASAARADDA ARRIMAHA DIB..

Next
Next

ERDOGAN OO KU SOO WAJAHAN SOOMAALIYA.