RUUSHKA OO AMRAY IN LA SOO XIRO…
SAWIRKA KARIIM KHAN.
(MOSCOW)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ruushka ayaa soo saartay amar soo qabasha ah amarkaaso lagu soo xiraayo Kariim Asad Axmed Khan oo hadda ah Dacwad Oogaha Guud ee Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada(ICC) taaso fadhigeedu yahay magaaladda Hauge ee dalka Netherland. Dacwad Oogaha ICC ayaa ah nin Ingiriis ah asal ahaane ka soo jeedo dalka Pakistan ayaa bishii seddexaad ee sannadkan-2023-ka soo saaray amar lagu soo qabanaayo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin iyo haweney lagu magacaabo Maria Lvova-Belova oo ah Madaxa Hayadda Ruushka u qaabilsan Arrimaha Xquuqda Caruurta.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.