NISA OO MAR KALE QABATAY AGAB U SOCDAY…

HAYADA SIRDOONKA QARANKA NISA.

(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay waxa ey uga digtay in lala macaamilo kooxda Alshabaab oo hadda uu ku socdo dagaal seddex afle ah,waxa eyna kooxda la’adahay dhaqqale ey ku maareyso arrimaha ciidamada u dagaalamo sidaas dareteed ayey kooxda dhumisay dagaalyahano fara badan iyo ilo dhaqaale oo ey ka soo geli jireen malaayiin doolar sannadkiiba,kooxda ayaa lacagtaasi waxa ey uga faa’iideysan jirtay iney hub iyo agab kale ku soo iibsato hadaba ciidamadda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta oo Sabti waxa ey mar kale dekeda Muqdisho ku qabteen Agab iyo Saanad la sheegay iney ku socotay dhinaca kooxda Alshabaab,Wasiirul Dawlaha Amniga Qaranka Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in 24-sac gudaheeda ey ciidanka NISA gacanta ku soo dhigeen Konteenerkii labaad kaaso ey ka buuxaan Agab iyo Saanad ciidan oo u socday kooxda Alshabaab. “Maanta waxaa u suuragashay Ciidanka Sirdoonka Qaranka NISA iney qabtaan Konteenerkii labaad ey ku jiraan gudihiisa diyaaradaha Drones-ka qalabka ey gawaaridu ku sheqeeyaan,Koofiyo aaneyn xabadu karin,Rimuudyada lagu hogaamiyo Qaraxyada iyo waxyaabo kale”ayuu yiri Wasiir Xagaa. Wasiir Xagaa ayaa sheegay in dawladda Fedraalka Soomaaliya ey dadaal dheer ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab dagaalkaso hadda intiisii badnayd lagu guulaystay. Maalin ka hor ayey ahayd markii sidaan oo kale ey Ciidamadda Sirdoonka Qaranka ee NISA ey qabteen agab ku socday kooxda Alshabaab,Agabkaasi ayaa lagu kala qabtay Dekedda Muqdisho iyo garoonka caalmaiga ah ee Adan Cadde.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

IRAAN OO U YEERTAY…

Next
Next

RUUSHKA OO AMRAY IN LA SOO XIRO…