MAAMULKA PUNTLAND OO HALIS UGU JIRO…

SAWIRKA GAADIIDKA DAGAAL EE MUCAARADKA PUNTLAND.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa tibaaxayo in ciidamo taabacsan Mucaaradka Puntland ey fariisin ka sameystay Togga Wadada laamiga ah ee u dhexeyso Laacdheer,Gaalkacyo sidoo kale Dhoodida Bixin ee laamiga Waqooyi. Ciidamadaan ayaa la sheegay ineey wataan gaadiid dagaal kaaso loogu talagalay iney horistaagid ku sameeyo ineysan Gaalkacyo ka dhicin Doorashada Golaha Degaanka ey wado xukuumadda uu Hogaamiyo Deni. Dhinaca kale,ciidamada Puntland ee loo diyaariyey iney qaadaan sanaadiiqda cod bixinta ee loogu talagalay degmooyinka Gobolada Mudug iyo Nugaal ayaa weli waxa ey ku sugan yihiin magaaladda Garawe halkaaso aan weli laga qaadin sanaadiiqda. Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ee diidan in maamulkaasi ey ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa codsanaayo in marka hore MW-Deni uu cadeeyo mawqifkiisa doorashada Madaxweyne ee maamulka Puntland ee dheceysa 2024-ka. Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaaa ah mid aad u cakiran waxaane la isku hayaa arrimaha doorashooyinka degaanada ayadoo eysan meesha ka maqneyn inuu jiro khilaaf u dhexeeyo maamulka Puntland iyo DFS,sida la qorsheeyey doorashada degaanada Puntland ayaa lagu wadaa in la qabto 25/5/23-ka kuna beegan maalinta Khamiista ah ee inagu soo fool leh.

ISHA WARKA SB-MEDIA.

Previous
Previous

RUUSHKA OO AMRAY IN LA SOO XIRO…

Next
Next

RUUSHKA OO OBAMA KA MAMNUUCAY…