ROOBLE OO KU HOR CEEBOOBAY GUDIGA DOORASHADA EE HEER FEDERAAL.

unnamed.jpeg

Golaha wadatashiga Qaranka ayaa shalay waxa eey soo saareen habraaca doorashadda xildhibaanada aqalka hoose ee BJFS,habraacii la soo saaray shalay ayaa waxaa ka horyimid gudiga doorashooyinka ee heer federaal iyo midawga musharaxiinta xilka madaxweynaha,arrimaha la isku haayo waa eey fara badan yihiin waxaane ka mida hoos u dhigidda awooda gudiga doorashooyinka heer federaal iyo in meeshaba laga saaray 135-kii oday dhaqameed oo sal u ah doorashadda dadban waxaane awoodii odayasha loo gacan geliyey gudiga doorashooyinka ee dawlad gobleedyada.RW-Rooble ayaa xalay waxa uu canaan kala dul dhacay gudiga doorashooyinka ee heer federaal balse gudiga oo ah mid madax banaan ayaa gaashaanka u daruuray qeyladda RW-Rooble una sheegay ineeysan ka aamusayn isla markaasne eeysan jirin cid eey uga haybsanaayaan xaqooda dastuuriga,RW-Rooble iyo qaar ka mida madaxda maamul goboleedyadda oo iskaashanaayo ayaa isku dayey ineey kala jebiyaan gudiga doorashadda ee heer federaal ayagoo lacag u soo dhiibay mid ka mida gudiga kana soo jeedo maamulka Galmudug ee ka soo jeedo RW-Rooble balse lama yaqaano sababta RW-Rooble ku kalifayso inuu gaaro inuu lacag ku bixiyo siduu u meel mari lahaay habraaca doorashada ee aqalka hoose,horay waxaa u jiray laba tuhun oo waa weyn oo laga qabay RW-Rooble mid ka mida ayaa ahaay in Rooble yahay nin u ololeeynaayo soo noqoshadda Farmaajo,tan labaad ayaa ah in RW-Rooble heshiis hoose la galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ahne musharax qarsoon ee madaxweyne iskuna afgarteen in Rooble noqon doono Raysal wasaare haddii Deni noqdo madaxweyne,xog aad u xoogan ayaa sheegtay in habraaca shalay la soo saaray lagu soo diyaariyey Puntland lagana hor akhriyey golaha wadatashiga qaranka waane taas tan loogu diiday iney qeyb ka noqdaan shirka midawga musharixiinta ee xilka madaxweyne ee sabtidii ka furmay teendhadda Afisyooni,waane balan ka bax uu sameeyey Rooble markii loo diiday ineey ka qeygalaan midawga musharaxiinta shirkii shalay la soo gabagabeyey shalay.

HALKAAN KA DHEGEYSO WARBIXIN KOOBAN.

Previous
Previous

DUUFAAN QAADAY HABRAACII DOORASHADDA.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABTEYN SAARAY TALIYAHA CIIDAMADDA ERITEREEYA.