MARAYKANKA OO CUNAQABTEYN SAARAY TALIYAHA CIIDAMADDA ERITEREEYA.
Dalka Maraykanka ayaa waxa uu cunaqabateyn dul dhigay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamadda dalka Eritereeya maanta oo Isniin ah(23/8/2021)-ka,saraakiishaas la cunaqabateeyey ayaa ku kacay falal xadgudub ku ah bani’aadanimada waqtigii uu socday dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigray. waaxda Keydka Guud ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamadda uu xukumaayey Gen.Filipos Woldeyohannes isla markaasne ah taliyaha ciidamadda difaaca Eritereeya ineey masuul ka ahaayeen”Xasuuq,Dhac iyo Galmo xoog ah”,ciidamadda Eritereeya ayaa sameeyey”Kufsi,Jirdil dad shacab ah sidoo kale burburiyey hanti shacab waxayna baarteen goobo gamancsi oo dadkii lahaay ka carareen” sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda keydka Maraykanka.Waxaa kaloo ciidamadda Eritereeya ee galay gobolka Tigray lagu eedeeyey ineey si ula kac ah dad shacab ah ugu toogteen wadooyinka waxayna guri-guri u galeen meelaha shacabku degan yahay ayagoo raadinaayo Rag iyo Wiilal si eey gawracaan.XIGASHO BARRON’S.