REER MANDHEERA OO KU SUGAN DEGMADA JILIB.

(SAWIRKA)-MANDHEERA.

(NAIROBI)-Ciidamadda Dembi Baaritsa ee Ismaamulka Madheera ayaa gacanta ku haya laba eedeysane oo lala xiriirinaayo iney ku lug lahaayeen afduub la qorsheeyey loona geystay Ajaanib ka shaqeyneysay Mashruuc Dawladda ey ka waday Bariga Mandeera. Labadan qof,sida uu sheegay sarkaalka Dembi Baarista ee ismaamulka Mandheera (CCIO) Pius Gitau,ayaa tibaaxay in labdaan qofood looga shakisan yahay iney xiriir la leeyhiin dhaqdhaqaaqa Argagixisada Gobolka fog. “Waxaan gacanta ku heynaa laba tuhmane oo lala xiriirinaayo isku duba ridka dhaqdhaqaaqyada Argagixisada AL-shabaab ee ismaamulka Mandheera. Su’aalaha ayaa socdo ka hor inta aanan loo gudbin Maxkamada”Md.Gitau ayaa Telefoonka ugu sheegay Warbaahinta maxaliga ah. Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Isaaq Cabdi Maxamed oo ku magac dheer “Kharan Cabdi Xasan iyo Nuur Yacquub Cali,waxa eyna ku xiran yihiin saldhiga Booliska ee magaaladda Mandheera,waxaane gacanta ku haayo Ciidamadda la dagaalanka Argagixisada ee ATPU. Maxamed ayaa la sheegay inuu dhawaan soo galay dalka Kenay isla markaasne uu si musuq ah ku helay Warqadda Aqoonsiga taaso u sahashay inuu si xor ah ugu socdo gudaha dalka Kenya. “Eedeysanaha lagu magacaabo Isaaq Cabdi Maxamed oo loo yaqaano Kharan Cabdi Xasan oo 29-sano jir ah ayaa looga shakisan inuu yahay mawaadin Soomaliyeed oo dhawaan yimid dalka Kenya,wuxuuna si been abuur ah u dalbaday Kaarka Aqoonsiga dalka Kenya ayaa lagu yiri warbixin ey booliska ka soo saareen dhacdaaan. Waa ey sii socotay,”Su’aalo laweydiiyey ka dib waxa uu xaqiijiyey inuu ku jiray hawlgal uu sidoo kale ku afduubtay Takhaatiir/Mawaadiniin Shiinees ah oo ku sugan magaaladda Mandheera,waxa kaloo uu shaaca ka qaaday inuu si dhaw ula shaqeynaayey nin Kenyan ah oo lagu magacaabo Nuur Yacquub Cali,kaaso 29-sano jir ah lagana so qabtay degaanka Metamora oo ku yaalo magaaladda Mandheera,iyadoo ey gacanta ku dhigeen kooxo Amaan ka tirsan kana kooban Hayaddo kala gedisan”. Waxa uu ka soo galay degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo Soomaaliya,sida ey sheegeen laamaha Amniga. Qorshaha Cabdi,waxa uu sheegay inuu bixiyey lacag dhan toban kun oo shillinka Kenya ah siiyeyne dad degaanka Mandheera si ey ugu fududeeyaan afduubka dadka Ajaanibta ah ee ka shaqeeya Mashruuca Bulaacadaha ee Mandheera una dhaw Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Mashruuca Bulaacadaha iyo Biyaha ee Mandheera ayaa la bilaabay sannadkii 2018-kii,waxaane fulineysa Sinohydro Corporation Limited oo ah shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha. Mashruucaan ey ku bexeyso malaayiin lacag ah ayaa waxaa maalgeliyey Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB),waxaane dhawr jeer oo hore ku yimid dib u dhac ey sababtay Amni daradda ka jirta Mandheera iyo Cudurka Corono Virus oo sannadkii 2019-kii ka dilaacay. Markii la qorsheeyey in la ilaaliyo shaqaalaha goobta ku sugan bilawgii mashruuca,Shiinuhu waxa uu diiday qorshe ahaa in la dejiyo xero ciidan oo maxalli ah. Md.Gitau ayaa sheegay in qabashada labada eedeysane ey daba socoto sirdoon dhawaan la wadaagay. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in labada eedeysane ey qorsheynayeen in loo qaado Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo waxaane loo qoondeeyey iney ku baxdo lacag dhan 300-kun oo shillinka Kenya ah. Taariikdu markeey ahayd 12/4/2020-kii,maleeshiyaad loo maleynaayo iney ka tirsan yihiin kooxda AL-shabaab ayaa afduubtay laba Takhtar oo u dhashay dalka Kuuba kuwaaso ka shaqeynaayey Mandheera waxaane loo kaxeystay Soomaaliya. Labada Takhtar ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr.Assel Herrera Correa iyo Dr. Landy Rodriguez Hernandez,waxaane la afduuubtay Takhaatiirta iyagoo ku sii jeeda gobtoodii shaqada,waxaane lagu xiray gaari ku sii jeeday Soomaaliya.lamana garanaayo halka ey ilaa hadda ku sugan yihiin. Askeri boolis ah oo lagu magacaabo Constable Mutundo Kitambo oo ilaalo u ahaa labada Takhtar ee la afduubay ayaa ku dhinta shilkaasi askeri kalane waa uu ka badbaaday weerarkaas. Darawalkii Takhaatiirta oo lagu magacaabi jiray Isaaq Ibrein Roobow ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta Argagixisanimo,waxaane lagu xukumay Xabsi Da’in. Xariga labada qof ee Jimcihii ayaa ku soo aaday iyadoo la adkeeyey Amaanka Mandheera todobaadyo ka dib markii shan masuul loo geystay afduub loona qaaday dalka Soomaaliya. Xubno ka tirsan qoysaska shanta masuul ayaa tan iyo markii la xaqiijiyeen in ehelkooda si gaar ah loogu haayo degmada Jilib ee Gobolka J/dhexe ee Soomaaliya. Odayaal beeleed ka soo jeeda Mandheera ayaa ku sugan degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe Soomaaliya iyagoo wada xaajood ku saabsan sida loo sii deyn lahaa shanta caaqil. Degmada Ceel Waaq ee Koonfurta Mandheera waxaa lagu hayaa askeri boolis ah ka dib markii lagu tuhmay inuu ka tirsan yahay Argagixisada waane uu ka baxsaday saldhiga booliska degmada Ceel Waaq. Muuse Muxumed Cabdulle ayaa saldhiga booliska lagu xiray 9-kii Feberaayo,balse waxa uu baxsaday 14-kii bishii Feberaayo,ka dib markii uu ka qeybgalay fadhi Maxkamad ku taalo magaaladda Mandheera.

ISHA-DN.

Previous
Previous

CEELBUUR OO DAGAAL KA DHACAY YAA LA DILAY?

Next
Next

SHIR MADAXEEDKII WADAMADA CARABTA OO DIB…