CEELBUUR OO DAGAAL KA DHACAY YAA LA DILAY?

(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda AL-Shabaab. Howl-galkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa Horjoogaha waxa ey kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax. Howl-galkan oo ey fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga Horjoogahan oo ku dheggan Saldhigga Degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ey baahisay Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in Horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray. Howl-galkan ka dib ayaa lagu soo waramayaa in kooxda AL-Shabaab ey qaadeen tallaabooyin ey ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ey ku tuhmayaan in ey falkan ku lug lahaayeen. Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda oo iyagu degmadaasi ku wada sugan. Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.

ISHA-CO

Previous
Previous

JAMES SWAN OO BOOQDAY DAWLADDA HOOSE.

Next
Next

REER MANDHEERA OO KU SUGAN DEGMADA JILIB.