SHIR MADAXEEDKII WADAMADA CARABTA OO DIB…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE EL-SISI.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in shirkii uu isugu imaan lahaa Ururka Jaamicadda Carabta loona ballansanaay in la qabto taariikhdu marka ey tahay 27/2/2025-ka uu ku yimid dib u dhac,waxaane la qaban doonaa shirkaasi taariikhdu marka ey tahay 4/3/2025-ka. Shirka loo ballansanaay ayaa looga hadli lahaay Arrimaha Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,waxaane la sheegaa in Madaxweynaha dalka Masar C/fataax El-Sisi lagu wado inuu dhawaan u safri doono caasimadda dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad. Masuuliyiinta reer Masar ayaa sharaxday Talaadada maanta ah in Madaxweyne EL-Sisi la filaayo inuu yimaado caasimadda Dalka Boqortooyada Sacuudiga ee Riyad maalinta Khamiista ah ee inagu soo fool leh,ujeedka socdaalka EL-Sisi ayaa lagu sheegay iney tahay sidii uu Masuuliyiinta Sacuudiga ugala hadli lahaa Qorshaha Carabta ee ku saabsan Marinka Gaza,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Arrintaan ayaa timid ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Masar ey goor sii hooreysay oo maanta ah ey ku dhawaaqday in shir Madaxeedka deg dega ah la qaban doono horaanta bisha soo socoto,ka dib markii la filaayey inuu qabsoomo todobaadka ina soo aadan. Wadamadda Carabta ayaa la filaa iney ka wada hadlaan Qorshaha dib loogu dhisaayo qeybta burbursan ee dhulka Falastiin dagaalka ka dib,iyo in laga hortagp soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump taaso dhalisay dhaleeceyn baahsan oo caalami ah iyo Carabta laba todobaad ka hor. Madaxweyne Trump ayaa xilligaas ku dhawaaqay in Marinka Gaza ey hoos tegi doonto Maraykanka,ka dib markii dad ku dhaw laba Milyan uu u wareejiyey dalalka deriska ah oo ey ku jiraan Masar iyo Urdun,in kastoo labada dal ey dhawr jeer ku celceliyeen diidmada barakicinta dadka reer Falastiin.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

REER MANDHEERA OO KU SUGAN DEGMADA JILIB.

Next
Next

NIN ISR’IILI AH OO TOOGTAY LABA KALE OO ISRA’IIL AH.