RAYSAL WASAARIHII SUUDAAN OO MAR KALE IS CASILAY.

(SUUDAAN):Dalka Suudaan tan iyo markii xukunka laga tuuray kaligii taliye Cumar Al-Bashiir waxaa ka socday banaabaxyo is daba joog ah laguna dalbanayo in dalka eey ka dhacdo doorasho xor ah loona wada tartamo hogaanka dalka.Ciidamadda qalabka sida ee dalka Suudaan oo damac ka galay ineey qabsadaan talada dalka Suudaan ayaa waxa eey ku dhaqaaqeen afgembi bishii Noofembar-2021-ka waxayn kala direen xukuumaddii rayidka ahayd ee uu hogaaminaayey RW-Xamduuk,dhawr maalin ka dibne waxa is afgartay hogaamiyeyaasha ciidamada sameyey afgembiga iyo RW-Xamduuk waxaane sidaas xukuumadda mar kale ku hogaamiyey RW-Xamduuk balse waxa aan joogsan banaabaxyadii looga soo horjeeday afgembiga ciidamada waxaane dhacday maanta oo ah Axad(2/1/2022)-ka in magaaladda Khartuum ciidamadu ku toogtaan banaanbaxayaal eeyna ku dhinteen laba qofood waxaane ku dhaawacmay dhawre kale,arrintaan ayaa waxaa ka dhashay in RW-Xamduuk inuu mar kale iska xasilo xilka Reysal wasaarenimo.Sababaha uu maanta isu casilay RW-Xamduuk ayaa lagu sheegay ineey yihiin xal ka gaarid la’aanta arrimaha siyaasadda dalka Suudaan iyo sii fiditaanka mudaaharaadyadda looga soo horjeedo afgembiga ciidamadda laguna dalbanaayo in dalka lagaarsiiyo dimoqaraadiyad.ISHA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

IRAAN IYO CIRAAQ OO LAGA XUSAY SANNAD GUURADII 2AAD DILKII GEN.SULAYMAANI.

Next
Next

HAWLGALKA CIIDAMADDA MARAYKANKA EE SOOMAALIYA.