MARAYKANKA MIYUU ISAGA BIXI DOONAA QM?

(SAWIRKA)-QARAMADA MIDOOBE.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Senator Mike Lee oo ka tirsan Xisbiga talada haayo ee Jamhuuriga ayaa Jimcaha maanta ah ku dhawaaqay in xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ey u gudbiyeen Aqalka Senate-ka Maraykanka Hinise Sharciyeedka Maraykanka looga saaraayo Qaramada Midoobe oo uu joojinaayo maalgelinteeda. Maqaalka uu ku daabacay Website-kiisa ayuu ku qoray in Mashruuca soo jeedinaayo in Maraykanka gebi ahaanba laga saaro Qaramada Midoobe iyo Hayadaha xiriirka la leh,lana joojiyo dhaqaalihii ey siin jireen,baabi’inta heshiiskii Qaramada Midoobe ee xaq u siinayey in xarun rasmi ah ey ku yeelato magaaladda New York lana soo afjaro xasaanadda Diblomasiyadeed ee shaqaalaha Qaramada Midoobe ee ku sugan Maraykanka. Dhinaca kale, Idaacada iyo Tv-ga laga leeyahay dalka Maraykanka ee FOX NEWS ayaa sheegay in wakiilka Xisbiga Jamhuuriga Chip Roy lagu wado in maanta oo Jimcaha uu u gudbiyo Hindise Sharciyeedkan la mid ah Aqalka Cngress-ka,isagoo xusay in Qaramada Midoobe iyo Ururadda Xiriirka la leh ee aanan u adeegeyn danaha Maraykanka”. Sida laga soo xigtay Kanaalka Maraykanka, Maraykanka ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska Deeq Bixiyeyaasha Qaramada Midoobe iyadoo maalgelinta 2022-kii waxa ey gaareysaa ilaa 18-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah taaso u dhiganta meel miisaaniyadda guud ee Hayadaha Caalamiga ah. Sharcigu waxa kale oo uu Maraykanka ka mamnuucayaa inuu ka qeyb qaato hawlaha Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobe,waxa uu mamnuucay in laanta fulinta ee dalka”Iney saxiixdo heshiis kasta oo dib loogu celinaayo Xubinimada Qaramada Midoobe ama Ururadda ey Xiriir la leeyihiin “iyada oo aan ogolaansho laga helin Golaha Guurtida.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SHEEGAY IN LA SOO AFJARI DOONO..

Next
Next

DALKA LUBNAAN OO MARAYKANKA KA CODSADAY INUU