DALKA LUBNAAN OO MARAYKANKA KA CODSADAY INUU
(SAWIRKA)-RW-NAWAF SALAM.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare Nawaf Salam carabka ku adkeeyey baahidda loo qabo in dawladda Maraykanka ey cadaadis ku saarto Isra’il si ey gebi ahaan uga baxdo shanta qodob ee Koonfurta Lubnaan ey weli ku haysato sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxa uu tixgeliyey in “Ma jirto wax sabab ah oo ciidan ama amni ah oo arrintan ku saabsan,waxayna ka dhigan tahay xad gudub joogta ah oo lagu sameynaayo qabanqaabadda xabad joojinta,Qaraarka 1701 sharciga caalmaiga ah iyo ku xadgudubka Madax banaanidda Lubnaan”. Arrintaan ayaa timid xilli uu Reysal Wasaare Nawaf Salam uu qaabilay wafdi ka socday Congress-ka dalka Maraykanka oo uu Hogaaminaayey Senitar Darrel Issa,iyadoo ey goob joog ka ahayd Safiirka dalka Maraykanka u joogta dalka Lubnaan Lisa Johnson. Wafdiga Maraykanka ayaa u hambalyey Reysal Wasaare Nawaf Salam,waxa eyna carbkooda ku adkeeyeen iney ka taageerayaan dhinayo kala duwan dalka Lubnaan ka sokow taageeradda joogtada ah ey la garab taagan yihiin ciidamadda dalka Lubnaan.
ISHA-AA.