MARAYKANKA OO SHEEGAY IN LA SOO AFJARI DOONO..
(SAWIRKA)-LA TALIYE MIKE WALTZ.
(WASHINGTON)-Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa Jimcaha maanta ah Xaqiijiyey in Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu soo afjari doono dagaaladda ka socdo Yukreyn iyo Bariga Dhexe isagoo xusay iney jiraan kooxo isku dhaf ah oo fulinaayo Ajandaha iyo Aragtida Madaxweyne Trump. “Madaxweyne Trump waxa uu soo Afjari doonaa dagaaladda Yukreyn iyo Bariga Dhexe,Xabad joojinta Marinka Gazane waxa ey u dhacday Madaxweyne Trump dartiis”, La Taliyaha Amniga Qaranka dalka Maraykanka Micheal Waltz ayaa sidaas ku sheegay khudbad uu ka jeediyey shirka Conservative Political Action Conference(CPAC) oo ka dhacay duleedka caasimadda Maraykanka ee Washington. Waxa uu Waltz intaas raaciyey”Waxaan ku dhiseynaa mabda’a Nabadda anagoo adeegsaneyna xoog…reer Yurubne waa iney qaataan masuuliyadda xoojinta difaacooda”,waxa uu xusay in Maraykanka uu u arko dhaqamada Hogaamiyeyaasha Yurub,kuwaaso si wax ku ool ah uga soo horjeeda in xal nabadeed laga gaaro colaada Yukreyn wax aan macna lahayn. Waltz ayaa tilmaamay in”Isla codadkii ku baaqay xabad joojinta ka dhacda Marinka Gaza ka dib Oktoobar 7/2023-kii ey hadda u taagan yihiin Nabadda Yukreyn,taasina waa wax aan macno lahayn,”Laakinse waxaan bilawnay wada hadallo hoos yimaado Maamulka Madaxweyne Donald Trump”. Waltz ayaa sheegay in dagaaladda Yukreyn iyo Gaza la soo afjari doono waqtiga Trump,waxa aan soo afjari doonaa waqti dhaw ayuu sii raaciyey. Aqalka Cad ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in Yukreyn ey heshiis la saxiixan doonto Maraykanka”Mustaqbalka dhaw”Heshiiska ayaa ah mid ku saabsan Macdanta Yukreyn ee Naadirka ah, in kastoo Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy uu diiday sababtoo ah ma uusan ka hadlin damaanad qaadka Amniga Kyiv uu raadinaayo duulaanka Ruushka. Waltz wuxuu ku nuux-nuuxsaday khudbadiisa:”Madaxweyne Zelenskyy wuxuu saxiixi doonaa heshiiskan,waxaadne arki doontaan taas mustaqbalka dhaw,tanina waa wax u wanaagsan dalka Yukreyn”.
ISHA-AL ARABIYA.