WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY JARMALKA.
(SAWIRKA)-BOOLISKAJARMALKA.
(BERLIN)-Booliiska Jarmalka ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in nin si xun loogu dhaawacay weerar, “laga yaabo in loo isticmaalay shay fiiqan”, weerarka ayaa ka dhacay bartamaha Berlin halkaaso ey ka jirtay xusustii Holocaust una dhow Safaaradda Mareykanka. "Nin ayaa dhaawac halis ah u geystay qof aan la garanayn" kaaso Boolisku ey ku sheegeen X, iyagoo raaciyay "shaqaalaha samatabbixinta ayaa daryeelay dhowr qof oo goobta ku sugnaa oo goob joog u ahaa dhacdada". Booliska Berlin ayaa sheegay in dhibbanaha uu soo gaaray dhaawac culus abaarihii 6-dii Maqribnimo, waxaana loo qaaday isbitaal. Booliska ayaa sheegay in ey baarayaan falka tooreynta ah ee ka dhacay goobta xusuusta ah, oo ah beer ey ka kooban yihiin 2,700 oo shamiito cawl ah oo u dhow albaabka Brandenburg ee bartamaha Berlin. Ninka weerarka geystay ayaa weli baxsad ah, waxaana Booliska ey sheegeen ineysan hayn wax calaamad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay weerarka. Booliska oo ku hubaysan Qoryaha Darandooriga u dhaca ayaa ku sugnaa goobta lagu xusayay dadkii Yuhuuda ahaa ee lagu dilay qaaradda Yurub, oo ah meel u dhow albaabka caanka ah ee Brandenburg Gate, taas oo lagu xusayo dhibbanayaasha Yuhuuda ee Holocaust. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay laba maalmood ka hor doorashada Qaranka Jarmalka ka dib xilli olole aad u kulul oo Xisbiga Midigta Fog ee AfD ey kor u kacday sumcadda codbixinta. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, weeraro isdaba joog ah oo lagu hoobtay ayaa ka dhacay dalka Jarmalka, oo ey ku jiraan gawaari lagu jiirsiiyay iyo toorey. Booliska Jarmalka ayaa sheegay horaantii Jimcaha in ey xireen nin 18 jir ah oo Ruush ah, kaas oo looga shakisan yahay in uu qorsheynayay weerar "damac siyaasadeed" ka geysto Berlin. Ninkan ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii lagu xiray Gobolka Brandenburg, oo ku hareeraysan Berlin, booliska iyo dacwad oogayaasha ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay. Mas’uuliyiintu ma eysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la sheegay in la Qorsheeyay, balse Wargeyska Tagesspiegel ayaa ku waramay in tuhmanaha uu ahaa Chechnya, waxaana la rumeysan yahay inuu Qorsheynayay weerar lagu qaado Safaaradda Israa’iil.
ISHA-FRANCE24