QRAMADDA MIDOOBAY OO SHEEGTAY INEEY DHINTEEN IN KA BADAN 20,000 MUHAJIR.
(GENEVA-AP):Sida eey sheeegtay maanta oo Jimca ah hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) dadka ku dhintay badda midtereeniyaanka ayagoo raba ineey uga gudbaan qaarad Yurub ayey korodhay tiradooda tan iyo sannadkii 2014-kii waxa eeyna gaartay 20,000-qofood. Afhayeenka hayada qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriint(IOM) Paul Dillon ayaa tilmaamay dhacdooyinka ugu xanuunka badan ee ka dhacay badda Miditereeniyaanka ineey ugu xanuun badneed tii dhacday 9/2/2021-ka taasoo eey ku naf waayeen dad gaaraayo 91-qofood isuguna jira caruur,dumar iyo rag,waxa eeyna hayadda(IOM) hoosta ka xariiqday marka laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii ineey dhnteen in ka badan 500-qofood sannadkiiba kuwaaso isku dayaayey ineey ka gudbaan badda miditereeniyaanka si eey u garaan qaaradda Yurub.XIGASHO AP.