KAABUUL OO BAM LAGU WEERARAU DHAALIBAAN.

1000 (9).jpeg

(KABUL,AFGAANISTAAN):Ugu yaraan waxaa ku dhimatay shan qofood oo shacab ah ka dib markii bam uu ku qarxay banaanka Masaajid ku yaalo magaaladda Kaabuul maanta oo Axad ah sida eey sheegeen kooxda Dhaalibaan. Weerarkaan dhacay maanta waa kii ugu dhimasha badnaay tan iyo markii eey ciidamadda Maraykanka isaga bexeen caasimadda Kaabuul.

Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda qaraxa balse waxaa lagu tuhmaa ineey ka dambeeyso kooxda Daacish taaso todobaadyadaan weerar ku haysay kooxda Dhaalibaan gaar ahaa Daacishta ku xoogan bariga Afgaanistaan. Weerarka ka dhacay Kaabuul ayaa loo adeegsaday bam la dhigay wadada dhinaceed kuna dhaweed iridda laga galo masaajidka Ciid Gah waxaane Masaajidka ka dheceeysay janaaso lagu tukanaayo hooyadda dhashay afhayeenka kooxda Dhaalibaan ninka la yiraahdo Zabihullahi Mjahid.XIGASHO AP.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

DALKA LIIBIYA TARHIIBAYAAL LA IS HORTAAGAY.

Next
Next

QRAMADDA MIDOOBAY OO SHEEGTAY INEEY DHINTEEN IN KA BADAN 20,000 MUHAJIR.