TURKIGA OO BAROOR DIIQ LOOGU SAMEEYEY…
Dalka Turkiga waxa uu ka mid yahay dalalka kaalmadda u fidiyo dalka soomaaliya marka laga soo bilaabo sanaddkii 2011-kii waqtigaasoo sooomaaliya eey ka jirtay gaajo aad u ba’an waxaane waqtigaas soomaaliya booqasho ku yimid madaxweynaha turkiga ordogaan iyo xaaskiisa waxa eeyna taasi sababtay indhaha caalamka u soo jeestaan dalka soomaaliya una fidiyaan kaalmo bani’aadanimo. Dalka Turkiga waxa uu soomaalida kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin eeysan haysan wadamadda kale sida wadamadda carabta oo gacmaha ka laabtay waqtiga eey soomaaliya u baahneed in la garab istaago hadane u indha cad sidii eey raad ugu lahaan lahaayeen arrimaha soomaaliya si eey u gurtaan khayraatka dalka ee dihan. Mashaariic badan ayuu Turtkiga wada soomaaliya waxaane ka mida dhisidda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo afgooye,dhismaha wadadaan ayaa waxaa ku guulaysatay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga waxaane si aan kala go’o lahayn weerar ugu ah kuwa diidan horumarka dalka soomaaliya ha ahaadeen soomaali amaba ajnabi waane markii labaad oo la weeraro shirkadda dhiseeyso wadada aada Afgooye weerarkii ugu dambeeyeyne waxa uu dhacay maalintii sabtida ahayd ee la soo dhaafay kuna beegneed 3/1/2021-ka,waxaane isku qarxiyey qof soo xirtay waxyaabaha qarxa waxa uuna qaraxa galaaftay dad isugu jira soomaali iyo turki waxaane ku dhaawacmay dad kal. Hadaba wargayska HURRIYET DAILY NEWS kana soo baxa dalkaas Turkiga ayaa wax ka qoray Turkiyiintii ku dhimatay qaraxii sabtiga ka dhacay duleedka Muqdisho waxa uuna cinwaan uga dhigay qoysaskii turkiyiinta ayaa waxa eey u baroor diiqayaan kuwii eey jeclaayeen eey waayeen. XIGASHO HURRIYET DAILY NEWS.