IIRAAN OO KU DHEGAN INGIRIISKA IYO WADAMA CARBEED.
Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee dalka Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay hogaamiyihii ciidamadda kacaanka Mr.sulaymaani,dilka sulaymaani ayaa waxaa fulisay diyaadda aan duuliyaha wedin ee DRONS-ka uuna iska leeyahay dalka Maraykanka. Iraan ayaa waxa eey leedahay shirkadda G4S ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska masuulkana ka ah amniga garoonka caalamiga ah ee magaaladda Baqdaad ineey bixisay sirta imaanshiyaha sulaymaani sidaasne loola beegsaday Drons-ka,dhinaca kalane iiraan ayaa sheegatay in Drons-ka lagu dilay Sulaymaani laga hagayey Jarmalka saldhig ciidameed uu ku leeyahay Maraykanka, 45-qofood oo u dhalatay Maraykanka ayaa ku lug lahayd dilkii sulaymaani sida iraan sheegtay waxayna arrinkooda u gudbiyeen booliska caalamiga ah Interpol,wadamadda Ciraq,suuriya,Kuweeyt,Qadar,Libnaan iyo Urdun ayey iraan ku sheegtay ineey kaalmo ka geesteen arrinka dilka.XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.