QOYSKA GANACSADE BASHIIR OO ISKA DIIDAY…
Sida laga soo xigtay garyaqaanka qoyska ganacsade Bashiir ninka la yiraahdo Xasan qoyska bashiir waa eey iska diideen in Bashiir ka ganacsanaayey lacag been abuur ah,waxa uuna garyqaanka cadeeyey in dhammaan macaamilka ganacasi ee Bashiir ineeysan lug ku lahayn wax lacag ah oo la been abuuray eeyna wada ahaayeen kuwa wada sax ah mana eeysan lahayn wax khilaafsan sharciga ganacsiga.
Bashiir ayaa maydkiisa shalay oo sabti ahayd waxaa laga helay qarka wabiga Nyamidi ee degmada Kirinyoga,waxaane maydka marxuumka aad uga muuqday faas lala dhacay laguna jarjaray,dhaawacyo ka muuqday madaxiisa iyo laba xabadood oo looga dhuftay madaxa,waxaa kaloo dhiig ka dareeraayey lagu arkay afkisa iyo sankiisa. Garyaqaan Xasan ayaa laga soo xigtay isagoo leh “ Qoyska Bashii waxa eey nasiib darro ku tilmaameen malaha aan lahayn ifafaale dhaba “ eedaynta sheegaysa in Bashiir Online kaga ganacsan jiray lacag been abuur ah iyo lacagta la dhaqo,waxay kaloo qoyska Bashiir iska diideen in Bashiir ka yimid degmada B/Xaawo ee gobolka Gedo ee soomaalioya isla markaasne uu ku lug lahaay ismari waaga siyaasadda dalka soomaaliya isagoo adeegsanaayo ganacsigiisa uu ku maalgelinaayey dhaqdhaqaaqa argagixisadda eey ka mid tahay kooxda Alshabaab. XIGASHO THE STAR.