QOYSKA CALI DAEI OO XOOG LOOGA DEJIYEY…..

CALI DAEI.

(TEHRAN)-Hayadda duulista hawad ee dalka Iraan ayaa shalay oo Isniin ahayd amartay in la soo dejiyo diyaarad ku socotay magaaladda Dubai ee dalka Imaaratka Carabta waxa eyna diyaarada ku degtay garoonka diyaaradaha ee Jasiirada Kish,waxaane gudaha diyaaradda si xoog ah looga soo saaray qoyska cayaartooy hore oo reer Iraan ah kaaso taageero u muujiyey banaanbaxyada ka socdo dalka Iraan.Diyaaradda Mahan oo ku guda jirtay duulimaadka Tirsigiisu yahay W563 ayaa ka soo duushay garoonka caalamiga ah ee Imaam Khumayni ee magaaladda Caasimadda ah ee Tehran waxa eyna diyaaradu ka degi lahayd garoonka Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta,dadka saarnaay diyaaradaan xooga lagu dejiyey ayaa waxaa ka mid ahaay xaaska iyo gabar uu dhalay cayaaryahankii caanka haay ee reer Cali Daei.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

56-QOFOOD OO KU DHIMATAY K/SUUDAAN.

Next
Next

TURKIGA OO SOO BADBAADIYEY DAD DHAN…