QORAGA AR-15 OO LOO ADEEGSADAY TOOGASHADDA TRUMP.

(SAWIRKA)-QORAGA AR-15.

(PENNSYLVANIA-USA)-Tan iyo markii la Toogtay Madaxweynihii hore ee dalka Donald Trump,waxaa soo baxaayey warbixino la xiriira qaabka ey u dhacday Toogashadda iyo Hubka la isticmaalay iyo shaqsiga fuliyey Toogashada qofka uu yahay. Khabiir Mileteri ayaa sheegay in Toogashadda Trump loo adeegsaday Qoriga wax Shiishaha ah ee AR-15,waxaane laga riday ilaa Xabbadood. Waxaa kaloo uu sheegay Khabiirka Mileteri in hubkan uu la mid yahay Qoriga Toogashada ah ee loo yaqaan M4,maadaam uu awood u leeyahay inuu wax ka dili karo bartilmaameed u jira Masaafo dhan 180-Mitit ilaa 274-mitir isagoo aan lahayn soo dhaweeye isla markaasne lagu beegsado masaafo dheer haddii lagu dhegsado soo dhaweeye,sida laga soo xigtya shabakadda warar ABC ee dalka Maraykanka.

WAA MAXAY SHEEKADDA QORIGA AR-15?

Gudaha dalka Maraykanka ma jiro hub ka baahsan Qoriga AR-15 kaaso lagu tilmaamay inuu yahay “Qoriga Maraykanka”ee loo doortay in loo isticmaalo Toogasho Wadareedka. Qorigaan AR-15 oo nuuciisu uu soo baxay sannadihii 1950-kii ayaa ka mid ah hubka ugu caansan ey haystaan dadka Maraykanka iyadoo tobanaan Milyan oo ka mid ah ey hadda suuqa ku jiraan dadkuna iibsan karaan. Qiyaas la sameeyey ayaa tilmaameysa in 20-kii qof oo Maraykan ahba uu hal qof oo iyaga ka mid ah uu haysto Qoriga AR-15,sida lagu sheegay warbixin ey BBC-da soo saartay. Caannimadda Qoriga AR-15 ayaa xitaa ku kaliftay qaar ka mid ah Sharci Dejiyeyaasha Muxaafidka ah iney isku dayaan iney si rasmi ah ugu magacaabaan “Qoriga Qaranka Maraykanka”. Tirakoobyo la sameeyey ayaa sidoo kale muujinaayo in Qoriga AR-15 loo adeegsaday Toogasho Wadareedyadda ugu xumaa ee ka dhaca gudaha dalka Maraykanka. Caannimadda Qoriga AR-15 ee Gudaha dalka Maraykanka ayaa waxaa u sabab ah Culayskiisa oo aad u fudud,waxaane lagu qiyaasaa culayskiisa ilaa 3-kiilogaraam iyadoo ey u sii dheer tahay fududnaantiisa isticmaalka iyo suurtagalnimada in wax laga bedelo laguna daro agabkiisa. Chris Waltz oo ah Madaxweynaha iyo maamulaha Ururka Milkiilayaasha Qoriga AR-15 ayaa BBC-da ku yiri ”Runtii waxa jira in ka badan hal milyan oo wax ka bedel,qeybo iyo midabyo”Qorigaan AR-15,isagoo raaciyey “Dadku waxay uga hadlaan sidii Caruusadda Barbie.Ragga. Waltz waxa intaas ku daray oo uu yiri’Qoriga AR-15 waa sahlan yahay in la siticmaalo,waa mid fudud,aad u shiish wanaagsan,waana sahlan yahay iney isticmaalaan Dumarka iyo Caruurta marka ey ka qeyb qaadanayaan Toogashadda. Waa Qori Casri ah oo Maraykanka ah magacan aan u bixinay”. Dadka kasoo horjeedo Qoragaan AR-15 ayaa tilmaamay in loo adeegsaday Qoragaan AR-15 iyo kuwa la mid ah Toogasho Wadareedyo ka dhacay gudaha dalka Maraykanka. Sida laga soo xigtay Tirakoobyada ey sameeyeen Wakaaladda Wararka ee Associated Press,USA Today iyo NorthEast Mass Killing Database, Qoriga AR-15 ayaa loo adeegsaday toban ka mid ah 17-dil wadareed oo ka dhacay dalka Maraykanka marka laga soo bilaabo sannadkii 2012-kii ilaa hadda 2024-ka. Dadka xiiseeyo Qoryaha iyo kuwa u doodo xakamaynta hubka ayaa si isku mid ah u tilmaamay isticmaalka baahsan ee Qoriga AR-15 iney tahay mid ka mid ah sababaha ugu waa weyn ee loo isticmaalo Toogasho Wadareedyadda. Inta Toogasho Wadareed ee la xusuusto waqtigaan lana adeegsaday Qoriga AR-15 ayaa waxaa ka mid ah labadii Toogasho Wadareed ee ka kala dhacday Uvald ee Gobolka Texas iyo Buffalo Gobolka New York iyo Toogasho Wadareedkii ka dhacay Sandy Hook ee Newtown ee Gobolka Connecticut sannadkii 2012 iyo Riwaayaddaii Las Vegas ee sannadkii 2017-kii ee dalka Maraykanka.

ISHA SB-MEDIA.

Previous
Previous

HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB OO LA QABTAY.

Next
Next

MW-TRUMP OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.