MW-TRUMP OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

(SAWIRKA)-MW-TRUMP.

(PENNSYLVANIA-USA)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka dhacday Toogasho ey ku dhinteen ugu yaraan hal qof oo daawade ah oo Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Trump uu dhiig ka daatay intii lagu guda jiray isu soo bax ka dhacay Gobolka Pennsylvania maanta oo Sabti ah,arrintaan ayaa waxaa si deg deg ah u Cambaareeyey labada Xisbi ee dalka Maraykanka. Xubnaha Koongareeska, Saraakiisha Golaha Wasiiradda iyo Madaxweynayaashii hore ayaa si deg deg ah u Cambaareeyey dhacadadan iyagoo sheegay in Rabshado eysan meelna ku lahayn Siyaasadda dalka Maraykanka. “Aad baan uga argagaxay wixii ka dhacay isu soo baxa Trump ee Gobolka Pennsylvania,waxaane ku nastay in Madaxweynihii hore Trump bedqabo,Qalalaasaha Siyaasadeed boos kuma laha dalkeyna”ayuu hogaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer ku yiri hadal uu soo saaray.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Previous
Previous

QORAGA AR-15 OO LOO ADEEGSADAY TOOGASHADDA TRUMP.

Next
Next

DAGAALKII XABSIGA DHEXE IYO DADKII KU DHIMATAY.