DAGAALKII XABSIGA DHEXE IYO DADKII KU DHIMATAY.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYIHII KOOXDA ALSHABAAB EE KA DHEX DAGAALANTAY XABSIGA DHEXE MAANTA EE LA DILAY.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegaayo in Xabsiga Dhexe ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay weerar si aad ah loo soo Qorsheeyey balse ku dambeeyey fashil sababay iney dad ku dhintaan dad kalane ku dhaawacmaan. Weerarka ayaa ku bilawday Bambooyin iyo weerar toos ah oo dhexmaray ciidamadda ilaaladda Xabsiga Dhexe iyo Maxaabiis Alshabaab ah kuna xukuman Dil toogasha ah kuwaaso tiradooda lagu sheegay iney dhameed shan ruux, waxaane si Qarsoodi ah loogu keenay Hub iyo Rasaas loo qorsheeyey iney ku soo baxsadaan. Dable Xasan Xuseen Raage Cigale(CAMBE) oo la sheegay inuu ahaay askerigii haayey Furayaasha halka lagu haayo Maxaabiista ku Xukuman dilka ee ku sugan gudaha Xabsiga Dhexe ayey kooxda hubeysan ka bilaabeen dilkooda ka dib markii uu ka diiday inuu gacanta ka saaro Furaha Qeybtaas oo dhan,waxa uuna Marxuumka Furaha ka tuuray Gidaarka si eysan Maxaabiista Alshabaab u helin fursad ey uga baxsadaan Xabsiga Dhexe. Weerarka ayaa bilawday abaarihii 8:45-Subaxnimo maanta Sabti ah waxaane la soo afjaray 11:00-Subaxnimo. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Qalaf oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ayaa daahay ka qaaday in dadka ku dhintay ey yihiin 5-Qof oo Alshabaab ah iyo seddex askeri oo ka tirsan Ciidanka Asluubta,waxa uu dhaawacana ku sheegay ilaa 18-Qof iney dhan yihiin balse waxaa jira warar kale oo sheegaayo in dhaawaca dhan yahay ilaa 20-Qofood halka dhimashadda intaas ka badan tahay. Askarta ku dhimatay weerarkii maanta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa kala ah: (1)-Xasan Xuseen(Cambe). (2)-Otto Dheere. (3)-Axmed Sahal. (4)-Gaabow,kana tirsan ilaaladda Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen.Mahad M.C/raxmaan (Shub). Dhinaca Dhaawaca Askarta ayaa kala ah, (1)-Kabtan Cali Bariise,kana tirsan kooxda Bambeyda ee Ciidanka Asluubta. (2)-Aysame. (3)-Mareexaan,kooxda Alshabaab ayaa waxaa ugu caansanaay kuwooda la dillay Liibaan C/laahi Wehliye oo shabaabk u qaabilsanaay hawlagaladda magaaladda Muqdisho. Dhinaca kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si degdeg ah waxa uu ugu yeeray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Maxamed C/raxmaan loona yaqaan Gen.Shub,Madaxweynaha ayaa Generaalka wax ka weydiiyey sida ey maanta wax uga dheceen gudaha Xabsiga dhexe ee Muqdisho,waxaane wax lala yaabo noqotay ka dib markii la waayey Kaameradda Qarsoodiga ah ee CCTV-da oo ku xiran Xabsiga dhexe Gudihiisa iyo banaankiisa,waxa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh Amray Hayadda NISA iney si deg deg ah Kaamerooyin ugu xirto Gudaha iyo hareeraha Xabsiga dhexe,ma aha markii ugu horeysay uu weerar sidaan oo kale ah uu ka dhaco gudaha Xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho,waxa uuna horay u dhacay sannadkii 2022-kii waxaane weerarkaas ku dhintay 10-Qofood oo isugu jira Askar iyo Maxaabiis.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-TRUMP OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

Next
Next

MASUUUL SOOMAALIYEED OO TAAGEERAY ALSHABAAB.