MASUUUL SOOMAALIYEED OO TAAGEERAY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-C/SICIID MUUSE.
(NAIROBI)-Shantii sano iyo dhawrkii bilood ee uu dalka Soomaaliya Madaxweyne ka ahaay Maxamed C/laahi Farmaajo waxa uu xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku Aaminay C/siciid Muuse kaaso horay u soo noqday La Taliyihii Amniga ee Farmaajo iyo Agaasimihii Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. C/siciid ayaa ka soo jeedo maamulka Puntland waxa uuna si adag uga soo horjeeday hogaankii waqtigaas hadana haayo taladda Puntland Md.Siciid C/laahi Deni waane sababta uu Farmaajo u soo dhaweystay C/siciid. In xil sare loo dhiibo C/siciid mawaadin ayuu yahay laakinse inuu maanta si cad oo gambasha lahayn u taageero kooxda Argagixisadda caalamiga ah ee Alshabaab ayaa ah mid meel hoose dhigaysa hiigsigiisii siyaasadeed,waxa eyna galaafaneysaa kooxdii isaga hawsha u dirsatay ee ahayd Nabad iyo Nolol oo rajo ka qabtay iney mar kale xukunka ku soo laabtaan. C/siciid ma aheyn qof waalan marka uu hadlaayey ee waa uu fayoobaay waxa uu sheegaayana waa ogaa dhibka kaga imaan doono hadda iyo mustaqbalkaba laakinse C/siciid maxay yihiin waxyaabaha kaga imaan kara dawladaha Soomaaliya ka taageero la dagaalanka Argagixisadda caalamiga ah sida Maraykanka?
ISHA/BBC-SOMALI.