MADAXWEYNE WILLIAM RUTO OO KALA DIRAY XUKUUMADIISA.

(SAWIRKA)-MW-WILLIAM RUTO.

(NAIROBI)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ceyriyey dhammaan Golihiisa Wasiiradda iyo Xeer ilaaliyaha Guud Justin Muturi,taaso jawaab u ah dibadbaxyadda dawladda looga soo horjeedo ee ey wadeen dhallinyaradda. Kaliyah Musalia Mudavadi oo ah Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo sidoo kale laba laabanayo jagada Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa ka badbaaday Ceyrinta. “Markaan dib u milicsado,aadne aan u dhegaystay dadka Kenya waxa ey ka yiraahdeen,qiimeyn buuxdana aan ku sameeyey waxqabadii Golaha Wasiiradda ee Xukuumadeyda iyo Waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalo,waxaan u hogaansamay awoodaha la ii siiyey isticmaalka Qodobka152(1) iyo 152.(5) (b) ee Dastuurka iyo Qeybta 12-aad ee Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,ayaan go’aamiyey in si deg deg ah loo kala diro dhammaan Xoghayayaasha Xukuumadda iyo xeer ilaaliyaha Guud ee Golaha Wsaiiradda Jamhuuriyadda Kenya marka laga reebo Xogahayaha Reysal Wasaaraha iyo Xoghayaha Golaha Wasiiradda ee Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta”ayuu Madaxweyne Ruto ka sheegay Tv-ga Qaranka Kenya.

ISHA/EA.

AKHRI.

Previous
Previous

MASUUUL SOOMAALIYEED OO TAAGEERAY ALSHABAAB.

Next
Next

SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA XFS OO QABSOOMAY.