SHIRKA GOLAHA WASIIRADDA XFS OO QABSOOMAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Gudoomiyey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga iyo Xeernidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud ee Xeyndaabka Siyaasadda Deymaha,Hanaanka Amaahashadda iyo soo saarista Damaanadaha. Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saasban horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhegaystay Wasaaradda Hawlaha Guud oo soo bandhigtay wadooyin laga dhisaayo Garawe caasimadda Puntland,Baydhabo caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kismaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo dhuusamareeb ee maamuladda H/shabeel iyo Galmudug,halka magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareeno iyo dhuumo qaado Bulaacadaha. Golaha Wasiiradda ayaa ka dhegaystay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo difaac hawlgaladda lagu ciritiraayo kooxaha Argagixisadda Alshabaab ee ka soconaayo qaar ka mid ah Goboladda dalka,waxa uu Goluhu bogaadiyey hawlgaladdii ugu dambeeyey oo degaano dhawr ah looga sifeeyey Argagixisadda Alshabaab.

ISHA/OPM.

Previous
Previous

MADAXWEYNE WILLIAM RUTO OO KALA DIRAY XUKUUMADIISA.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GUDIGA..