HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB OO LA QABTAY.
(SAWIRKA)-HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB OO LA QABTAY.
(CEELDHEER)-Wararka aan ka heleyno degmada Ceeldheer oo Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in Ciidamadda dib u xureynta degaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ey gacanta ku soo dhigeen Horjooge ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayey degaano hoostaga degmada Ceeldheer. Ninkaan ka soo qabtay ayaa muddo dhawr sano ah waxa uu ka tirsanaay kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Galmudug waxa uuna kooxda Alshabaab kaga soo biiray degaano ka tirsan Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,ninka la qabtay ayaa magaciis ku sheegay in la yiraahdo Cabdi Maxamed Cumar. Ciidamadda dib u xureynta degaanka sarkaal ka tirsan oo la yiraahdo Maxamed Khaliif ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaan ka tirsan kooxda Alshabaab ee habawga ah kaaso xogtiisa ey soo gudbiyeen dadk degaanka. Hawlgalka lagu soo qabtay Cabdi Maxamed Cumar ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeyso degaanka Qoryo-Weyn iyo HulCaduur oo hoostaga degmada Ceeldheer ee G/Galgaduud maamulka Galmudug.
ISHA/SNTV.