MAQAAYADDA TOP COFFEE OO QARAX LALA BEEGSADAY.

(SAWIRKA)-HALKA UU KA DHACAY QARAX CAAW.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu dhacay Qarax,sida la soo sheegay Qaraxa ayaa caawa waxa uu ka dhacay Maqaayadda TOP COFFEE oo ku taalo agagaarka Taaladda Daljirka Daahsoon. Sida ey sheegeen Hayadaha Amniga ee caasimadda Muqdisho Qaraxa ayaa ahaay mid loo adeegsaday Gaari ey kooxda Alshabaab ku soo rareen Waxyaabaha Qarxa kaaso la dhigay banaanka Maqaayadda Top Coffee,sidaas waxaa lagu ogaaday warbixin hordhac ah oo laga helay ciidamadda Booliska. Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah tiradda dhimashadda ayaa ilaa hadda ah shan qofood,waxaane ku dhaawacmay ilaa 20-qofood oo kale,waxa uuna burbur soo gaaray Gaadiid ka ag dhawaay Goobta Qaraxa ka dhacay iyo Goobo ganacsi,waxaane socoto baaris la xiriirta sida Gaariga siday Qaraxa uu ku soo gaaray gudaha Caasimadda iyadoo ey jiraan bara koontarool oo fara badan,waxaane socoto qiimeyn rami ah oo la xiriirta inta uu la eg yahay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa,sidaas waxaa warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Booliska G/le.C/fataax Aden Xasan. Dhinaca kale,dadka ka soo badbaaday Qaraxa Caawa ka dhacay Maqaayadda Top Coffee ee magaaladda ayaa sheegay in Gudaha Maqaayadda lagu daawanaayey Cayaarta kama dambaysta ah ee Horyaalka Qaaradda Yurub ee EURO-2024-KA kaaso ey wada ciyaaraayeen xulalka Qaranka Ingiriiska iyo Isbayn,waxaane gudaha Maqaayadda ku sugnaay dhallinyaro u soo daawasho tagtay cayaartaasi,sidoo kale banaanka maqaayadda waxaa la sheegay iney ku sugnaayeen dad iska shshaahyey kuwaaso sida la soo weriyey wada geeriyooday iyo hal Mooto bajaaj iyo intii saarneed.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

GEN.SHUB OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY….

Next
Next

HORJOOGE KA TIRSAN ALSHABAAB OO LA QABTAY.