GEN.SHUB OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY….
(SAWIRKA)-TALIYAHA ASLUUBTA SOOMAALIYEED GEN.SHUB.
(MUQDISHO)-DEG DEG: Sida aan la wada socono maalintii Sabtida bishuna ey ahayd 13/7/24-ka waxa ey shaqaaqo dad ku dhinteen ey ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaaladda Muqdisho,sida la sheegay shaqaaqadda ayaa waxaa ka dambeeyey dagaalamyaal ka tirsanaay kooxda Alshabaab kuna xukunaay dil iyo xabsi daa’im. Dhibka ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxa uu sababay dhimasho ilaa sideed qofood ah iyo dhaawac dhan ilaa labaatan qofood oo kale. Dhacdadaan ayaa sababtay in Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad in looga yeero halka looga arrimiyo dalka ee Villa Somalia si wax looga weydiiyo sida ey wax uga dheceen gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho,Taliye Shub oo aad uga careysan arrinta foosha xun ee ka dhacday Xabsiga dhexe ayaa shalay oo Axad ahayd gudaha Xabsiga dhexe kula hadlay askarta iyo saraakiisha halkaas ka hawlgasha,waxa uuna isla goobtaas ku dalacsiiyey Marxuum Dable Xasan Xuseen Raage Cigale oo ahaay askeri iska diiday inuu Furaha Qeybta dagaalku ka dhacay siiyo kooxdii rabtay iney Xabsiga ka baxsadaan,waxa uuna taliye Shub amray in Marxuum Xasan Xuseen Taalo looga dhiso gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Taliye Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Shub oo ka amba qaadaayo xaqiijinta Amniga Maxaabiista ku sugan Xabsiga Dhexe iyo bedqabkooda ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 15/7/24-ka Wareegto uu soo saaray waxa uu Shaqo Joojin ku sameyey Taliyihii Xabsiga Dhexe Sareeya Guuto Daahir C/lle Raage inta ey socoto baaarista wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe Sabtidii,waxa uuna xilkaasi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Gen.Maxamed Xuseen Axmed. Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Shub ayaa magacaabay Gudi qeyb ka noqdo baaritaanka lagu sameynaayo wixii Sabtidii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho,gudigaan oo ka kooban ilaa sideed qofood waxa uuna gudiga leeyahay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen,waxa eyna kala yihiin: (1)-S/G.Maxamed Xuseen Axmed Gudoomiye. (2)-G/Sare. Xasan kulmiye Cawaale,Gudoomiye ku Xigeen. (3)-G/le.Axmed C/laahi Buule-Xubin. (4)-Dahmma.Maxamed Muxumad Cumar-Xubin, (5)-Dhamme.Ismaacil Salaad Maxamed-Xubin. (6)-Dhamme.Maxamed Siciid C/laahi-Xubin. (7)-Dhamme.C/rashiid Cali Maxamed-Xubin. (8)-L/Xidigle.Xasan Cali Axmed-Xubin. Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed baaritaanka dhibkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa qeyb ka ah Booliska,NISA iyo Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
ISHA/SB-MEDIA.