CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO GUULO KA GAARAY..
(SAWIRKA)-DHAMME AXMED SH.C/RAXMAN OO KU SUGAN GOOBIHII ALSHABAAB MAANTA LAGA SAARAY.
GALGADUUD/BAKOOL)-Waxaa weli qeybo ka mid Maamul Goboleedyadda dalka ka socdo dagaalka dalka looga xureynaayo kooxda Alshabaab,dagaaladdii ugu dambeeyey ee lala galay kooxda Alshabaab ayaa ka dhacay Bariga G/Galgaduud ee bartmaha dalka Soomaaliya. Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee ku sugan Bariga Galgaduud ayaa galabta oo Isniin ah waxa ey weerar Qorsheysan ku qaadeen kooxda Alshabaab kuwaaso ku sugnaay inta u dhexeyso degaanadda Caws-Weyne iyo Mesagawaay ee Bariga Galgaduud. Sida ey sheegeen saraakiisha hogaamineysa ciidamadda dagaalkii maanta ka dhacay degaakaas ayaa kooxda Alshabaab looga dilay ilaa lixdan dagaalame,dhulka dagaalka ka dhacay ayaa ah dhul hawd ah eyna kooxdu dooneysay iney isku soo urursadaan si ey weeraro qorsheysan ugu qaadaan CXDS iyo xoogaga dib u xureynta degaanka. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS Gen.Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u xaqiijiyey in tiro kor u dhaafeysa lixdameeyo in kooxda Alshabaab looga dilay dagaalkii maanta ka dhacay dhulka hawdka ah ee u dhexeeyo degaanadda Caws-Weyne iyo Mesagawaay,waxa eyna ciidamdu guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalkii maanta. Dhinaca kale, Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutadda 8-aad Qeybta 60-aad ayaa hawlgal sifeyn ah ka sameeyey degaanadda dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hawdka ah ee kala qeybiyo Goboladda Baay iyo Bakool,waxaane hawlgalkaan hogaaminaayey Taliyaha Guutadda 8-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Sheekh C/raxmaan. Hawlgalka gaarka ah inta uu socday waxaa lagu burburiyey goobo maleeshiyaadka Alshabaab u ahaay Waxa ey ugu yeeraan Maktabka Diiwaangelinta Maleeshiyaadka iyo Goobihii ey ku qaadi jireen lacagta baada ah ee laga ururiyo shacabka masaakiinta ah ee maraayo wadooyinkaas isku xira isla markaasne halbawlana u ah Goboladda Baay,Bakool iyo Gedo. Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ee CXDS Dhamme Axmed Sheekh C/raxmaan ayaa warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u xaqiijyey in Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ey weli ku sugan yihiin goobihii ey ka eryeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.
ISHA/SNA-RADIO.