QOORQOOR OO SAMEEYEY XILKA QAADIS.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE QOORQOOR.
(DH/MAREEB)-Wararka ka imanayo caasimadda Galmudug ayaa sheegaayo in Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye(QoorQoor) laga soo saaray Wareegto xilka looga qaadayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.C/risaaq Maxamed Maxamuud una dhashay Beesha Murusade,Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilka Wasiirka uu si ku meel gaar ah u sii hayn doono Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Galmudug Md.Liibaan Cabdi Maxamed una dhashay Beesha Saruur. Wareegtada ayaan lagu sheegin sababta keentay xil ka qaadista soo boodada ah,Wasiir C/risaaq ayaan isagana ka hadlin xil ka qaadistiisa balse la arki doonee wixii warar ah ee ka soo baxa arrintaan.
ISHA/CAASIMADA.