PUNTLAND MA WAXA EY QAADI DOONTAA…

(SAWIRKA)-Dr.c/WELI GAAS.

(GARAWE)-Maamul Goboleedka Puntland waxaa weli ka taagan isamari waa dhinaca doorashooyinka ah waxaane arrintaan isku haayo Mucaaradka iyo Maamulka uu hogaamiyo MW-Deni ee hadda ka arrimiyo Puntland,hadaba Madaxweynihii hore ee Puntland isla markaasne horay u soo noqday Reysal Wasaarihii dawladdii ku meel gaara ahayd ee dawladda Federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Cali Gaas ayaa ka digay in Puntland noqoto sidii maamulka Soomaaliland kaaso Hadda ey taagan xasarad dhinaca doorashada ah,Dr.C/weli ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland cagta saari doonto wadada S/land haddii Deni isku dayo inuu kursiga isaga sii fadhiyo. Dhinaca kale,Xisbiyada Siyaasadda ee ka dhisan maamulka Puntland ayaa la sheegayaa iney kulamo la yeelan doonaan bulshada degaanka waxa eyna kala hadli doonaan arrimaha doorashooyinka.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QOORQOOR OO SAMEEYEY XILKA QAADIS.

Next
Next

MW-XASAN O CANAANTAY QAAR KA MIDA WASIIRADDA.