SHACABKA MUQDSHO OO SI DIIRAN U SOO…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN OO SALAAN KA QAATAY CIIDAMADII LAGA KEENAY DALKA ERITEREEYA.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa ka burburay dhammaan hayadihii dawladda sannadkii 1991-dii wixii intaas ka dambaysayne dalka Soomaaliya ayaa ku jiray soo kabasho dhinac kasta ah,shirkii ka dhacay dalka Jabuuti sanndkii labada kun ka dib dalka Soomaaliya waxaa u bilaabatay dib u dhiska dawladnimada Soomaaliya waxa uuna dalka Soomaaliya yeeshay dawlad qori isu dhiib ah midba mida ku xigta xilka u sii dhiibayso. Dawladda hadda jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka waxa ey kala wareegtay xukuumad uu hogaaminayey MW-Farmaajo,xukuumadaas ayaa dalka Eritereeya waxa ey u dirtay sida la sheegay ciidamo ka kooban qeybaha ciidamadda qalabka sida kuwaaso tiradooda lagu sheegay iney dhammeed inta u dhexeyso 5,000 ilaa 5100-askeri balse warar kale ayaa sheegaayo iney dhan yihiin 5.083-askeri waxaane dib dalka loogu soo celiyey tiro dhan 2,747-askeri oo isku dhaf ah,dawladda hadda jirta ayaa ayadana dalka Eritereeya waxa ey u dirtay 5,000-askeri kana kooban qeybaha ciidamadda qalabka sida waxaane maanta dib loo soo celieyey ciidamadii tababrka ugu maqnaay dalka Eritereeya kuwaaso 2,336-askeri oo ka mida ey yihiin kuwii ey dirtay dawladdii hore halka 5000-askeri ee kalane ey yihiin kuwii ey dirtay dawladda hadda jirta ee uu hogaamiyo MW-Xasan waa haddii dhammantood dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo. MW-Xasan ayaa ciidamadda Eritereeya laga keenay waxa uu kula hadlay maanta oo Isniin ah Xarunta Ciidamadda Cirka Soomaaliyeed ee magaaladda Muqdisho waxa uuna siiyey fasax dhan muddo bil ah ey kula soo kifaaxaan eheladooda ka welwelsanaay in mudda ah,xalay ayey ahayd markii magaaladda Muqdisho la arkaayey ayagoo si diiran loogu soo dhaweynaayo ciidamadda ka yimid dalka eritereeya.
ISHA/CAASIMADDA.