QM: SOOMAALIYA IYO ALJERIYA OO DALBADAY KULAN…

(SAWIRKA)-GOLHA AMAANKA.

(NEW YORK)-Wararka laga helaayo magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegayo in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe lagu wado in maalinta Khamiista ee berri ah inuu fadhi deg deg ah yeesho kaaso looga hadlaayo weeradda Isr’aiil ee dalka Suriya. Warbixin uu siiyey Wakaalda Wararka ee Anadolu,Ergayga joogtada ah ee Qaramada Midoobe ee dallka Aljeeriya ayaa lagu sheegay in kulanka deg dega ah ey codsadeen dalalka Soomaaliya iyo Aljeeriya oo labaduba hadda xubno ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe. Waxaa la sheegay in kulanka berito dhici doono looga hadli doono weerada Isra’iil ey ku heyso dalka Suriya,waxaane lagu wadaa in kulnaka uu dhaco 10:00-ka subaxnimo ee dalka Maraykanka. Labadii bishaan Abriil duqeymo ey Isra’iil ka geysatay magaaladda Darca’a ayaa waxaa ku dhintay sagaal qof oo rayid ah waxaane ku dhaawacmay dad kale oo fara badan. Ka dib dhicitaankii Bashaad AL-Asad sideedii bishii diseembar-2024-kii, Isra’iil waxa ey balaarisay qabsahada buuraha Goolan ee dalka Suriya,iyadoo la wareegtay aaga difaac ee laga xureeyey, talaabadoos oo jebisay heshiiskii Suriya lala galay sannadkii 1974-tii. Wixii ka dambeeyey riditaankii Bashaar AL-Asad, Isra’iil waxa ey qaaday dhawr duqeymo oo ey ku bartilmaameedsatay goobo muhiim ah iyo xerooyin mileteri oo ku wada yaalo gudaha dalka Suriya. Goobaha ey Isra’iil duqeymaha la beegsatay waxaa ka mid ah”Goobaha ey yaaliin diyaaradah dagaalka Suriya, Difaac hawada,Gentaalada”, sida ey sheegeen masuuliyiinta Suriya.

ISHA-ANADOLU.

Previous
Previous

SUDAN IYO IMAARAATKA OO ISKU DHEGAN.

Next
Next

MARAYKANKA OO SI JOOGTA AH U WEERARARA XUUT..