QARAXYO LAGU HOOBTAY OO KA DHACAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-QAASIM SULEYMAANI.
(KERMAN)-Wararka laga helaayo gudaha dalka Iraan ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta oo Arbaca ah ey ka dheceen Qaraxyo sida la sheegay ahaay mataano,dhimashada ka dhalatay Qaraxyadaasi ayaa kor u dhaafeysa ilaa 53-qofood halka dhaawacana uu gaaraayo ilaa 71-qofood eyna ku jiraan kuwa xaaladoodu ey aad u liidato. Qaraxyadaan ayaa waxa ey ka dheceen meel u dhaw Qubuuraha uu ku aasan yahay Taliyihii Hore ee Ilaalada Kacaan dalka Iraan Qaasim Suleymani,Qubuuraha ayaa waxa ey ku yaaliin magaaladda KERMAN ee dhacda Koonfurta dalka Iraan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in ugu yaraan 20-qofood oo ka mida dadka dhintay ey ahaayeen kuwa ka qeybgelaayey Xuska Qaasim Suleymaani,Qaraxyadaan mataanaha ah ayaa si isdaba jooga ah loo maqlay xilli ey socotay munaasabadda lagu xusaayey afar sano guuradii ka soo wareegtay dilkii Qaasim Suleymaani,dilka Suleymaani ayaa ahaay mid ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee laga leeyahay dalka Maraykanka,waxa uuna dilka Suleymaani ka dhacay gudaha dalka Ciraaq gaar ahaan meel u dhaw Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad. Qarax weyn ayaa laga maqlay meel u dhaw Masjidka Saheb AL-Zaman halkaas uu ku aasan yahay Madaxii hawlgalka Shisheeye ee Ilaaladda Kacaanka dalka Iraanoo kuna yaalo magaaladda KERMAN ee koonfurta dalka Iraan,Tv-ga dalka Iraan ayaa sheegay warbixintii ugu horeysay kuna saabsan Qaraxii koobaad,Qarax labaad ayaa laga maqlay agagaarka Masjidka Saheb AL-Zaman ayey warbixinta Tv-ga raacisay warbixinteeda.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.