MUUSE BIIXI OO LA KHIYAANAY BEENA LOO SHEEGAY.
(SAWIRKA)-MW-MUUSE BIIXI IYO RW-ABIY AXMED.
(ADDIS ABABA)-Wargays ka mid ah Wargaysyada dalka Itoobiya lana yiraahdo ADDIS STANDARD kuna soo baxa Afka Ingiriiska ayaa waxbixin uu soo daabacay waxa uu Cinwaan uga dhigay”QIIMEYNTA QOTADA DHEER EE AQOONSIGA SOOMAALILAND EE ITOOBIYA QEYB KA MID AH”. Warmurtiyeedkii ugu horeeyey oo faahfaahsan oo muhiim ah ka dib markii Soomaaliland saxiiday Heshiis is-afgarad ee taariikhi ah,dawladda Itoobiya waxay ku sheegtay in qeyb ka mida heshiiskaasi ey ku jiraan qodobo ey dawladda Itoobiya ku samaynasyo Qiimeyn Qoto dheer oo ku aadan qaadashada Mawqif ku saabsan dadaalka ey Soomaaliland ugu jirto Aqoonsi Raadinta. Dawladda Itoobiya waxaa kaloo ey sheegtay in Heshiiskan is-fahamka iyo Iskashiga ah uu ka tarjumaayo dadaalka ey labada dhinac u galeen sidii loo sii xoojin lahaay saaxibtinadooda iyo ka jawaabidda su’aalo taariikhi ah ee labada dhinac,Soomaaliland-ne waxa ey u suuragelinaysaa iney hesho nuuca caawinaada iyo shurukada eysan Soomaaliland ka helayn wadan kale waxayne sidoo kale ka jawaabeysaa dalabaadkoodii muddada dheer soo socday oo ah Aqoonsi Rasmi ah. Mdaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Soomaliland ey ku adkaysatay Aqoonsi Rasmi ah oo ey ka hesho dawladda Itoobiya.
ISHA/ADDIS STANDARD.