MARAYKANKA: IMAAM MASJID OO LAGU TOOGTAY…
(SAWIRKA)-MASJIDKA EY AGTIISA KA DHACDAY TOOGASHADA IMAAMKA.
(NEW JERSEY/AP)-Wararka laga helaayo Gobolka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Imaam Masjid lagu dilay Toogasho ka dhacda Banaanka Masjid ku yaalo NEWARK ee Gobolka New Jersey maanta oo Arbaca ah,booliska ayaana baadi goob ugu jira sidii ey u soo qaban lahaayeen qofka dilka Gaystay oo goobta ka baxsaday. Imaamka ayaa waxaa la toogtay sida muuqata Salaadii Subax ka dib saacadu markeey ahayd lixdii Subaxnimo ee waqtiga New Jersey,Imaamka ayaa ku sugnaay banaanka Masjid Muxamed waqtiga la tooganaayey. Agaasimaha Badbaadada dadweynaha ee Newark Fritz Frage ayaa sidaas ku sheegay Emailkiisa. Dhibanaha ayaa loo qaaday Isbitaalka Jaamicadda oo u dhaw goobta ey ka dhacday Toogashada,Imaamka la toogtay ayey aad u liidatay xaaladiisa markii la gaynaayey Isbitaalka sida laga soo xigtay masuuliyiinta caafimaadka ee Newark. Masuuliyiinta Amniga ee Newark ayaan weli gacanta ku soo dhigin cidda gaysatay Toogashada balse waxa ey sheegeen iney wadaan baaritaano la xiriiro cidda lagu tuhmaayo iney gaysatay dilka Imaamka Masjid Muxamed.
ISHA/DAILY SABAH.