MAXAY ISKU HAYAAN TALIYE MUXYADIN IYO WASIIR JAMAC?

(SAWIRKA)-TALIYAHA CXDS S/G.MUXYADIIN SHEEKH IBRAHIM CADDAW.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Khilaaf Xooga uu soo kala dhexgalay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Sooaaliyeed S/G.Muxyadiin Sheekh Ibraahim Caddaw, sida la sheegay khilaafka ayaa ah mid salka ku haayo awoodaha qeeybaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya. Wasiir Jaamac ayaa waxa uu diyaariyey Sharci u daneynaayo Wasiirka Gaashaandhiga ilsa markaasne meesha ka saarayo Awoodaha Taliyaha Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,tusaale ahaan Wasiir Jaamac waxa uu rabaa in isaga uu soo magacaabo Taliyeyaasha Qeybaha Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliyeed halka maanta uu magacaabo Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed S/G.Muxyadiin Sh.Ibraahim Caddaw. Arrinta sida aadka ah la isugu qabtay ayaa ah in S/G.Muxyadiin uu iska diiday inuu saxiixo dhammaan wixii uu watay Wasiir Jaamac nuuceey doonaan ha ahaadeene waayo S/G.Muxyadiin ayaa ah sarkaal hore mudane ku soo dhex jiray Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed yaqaane wixii dan u ah ciidamadda iyo wixii aan dan u ahayn.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKJHRISO.

Previous
Previous

G/BANAADIR OO RACFAAN KA QAATAY GO’AANKII XKCS.

Next
Next

MARAYKANKA: IMAAM MASJID OO LAGU TOOGTAY…