XOGHAYAHA FULINTA URURKA IGAD OO AAN SOO HADAL QAADIN MADAX BANAANIDA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)- XOGHAYAHA FULINTA URURKA IGAD.

(ADDIS ABABA)-Xogahayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr.Workneh Gebeyehu “Wuxuu muujinayaa walaac qoto dheer oo ku saabsan is-bedelada u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo galabta ka soo baxay. Hadalka Urur Goboleedka IGAD ayaa yimid hal maalin ka dib markii ey Soomaaliya diiday Heshiiskii Is-afgarad ee taariikhiga ahaay kaaso ey kala saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliland,heshiiska ayaa Itoobiya u ogolaanaayo iney hesho badda si Soomaaliland u hesho Aqoonsi caalami ah. Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeedi u fadhiyey Addis Ababa,Md.C/laahi Warfaa si loola sameeyo wadatashi. Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu si taxadar leh ula socdo xaaladda uuna aqoosan yahay saamaynta ey ku yeelan karto xasiloonida Gobolka Geeska Afrika balse Ururka IGAD ayaan soo hadal qaadin is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliland, Ururka IGAD qoraalkiisa kuma uusan xusin in Soomaaliland tahay qeyb ka mida dhulka Soomaaliyeed ee xurta ah. Sidoo kale,Ururka IGAD wuxuu sheegay in duruufaha jira uu aqoonsan yahay Dr.Workneh “Wuxuu boorinayaa Madaxada Ururka IGAD in gacanta lagu dhigo,wuxuuna ka codsaday labada wadan ee walaalaha ah iney iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo is-afagarad loogu xallin lahaay iyadoo la ilaalinaayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD”.

ISHA/ADDIS STANDARD.

Previous
Previous

QARAXYO LAGU HOOBTAY OO KA DHACAY DALKA IRAAN.

Next
Next

SHAN XUBNOOD OO CUSUB OO KU BIIRAY…