QARAXYO KA DHACAY AFGAANISTAAN.

(KAABUUL-AFGAANISTAAN)-Masuuliyiinta Taalibaan ayaa maanta oo Sabti ah(23/4/22)-ka sheegay in bambooyin lagu weeraray Masaajid iyo Dugsi Islaami ah oo ku yaalo waqooyiga dalkaas Afgaanistaan maalintii shalay oo Jimca ahayd,weerarka loo adeegsaday bambooyinka ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo sodon iyo sedex(33)-qofood eeyna ku jiraan arday wax ka barata dugsiga islaamiga ah. Zabihullah Mujahid ahne wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka dalka Afgaanistaan ayaa sheegay bamamka lagu qarxiyey magaalooyinka Imaam Saheb iyo gobolka Kunduz eey ku dhaawacmeen dad dhan afartan iyo seddex(43)-qofood kuwaasoo qaarkood eey yihiin arday,weerarka loo addegsaday bambooyinka ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda.

XIGASHO AP.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

100-QOFOOD OO KU DHIMATAY DALKA NAYJERIYA.

Next
Next

FARANSIISKA OO JEEDIYEY EEDEYN.