100-QOFOOD OO KU DHIMATAY DALKA NAYJERIYA.

(NAYJERIYA)-Ugu yaraan 100-ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay goob lagu sifeeyo batroolka sharci darada ah ee dalkaas Nayjeriya sida eey sheegeen masuuliyiinta dalkaas maanta oo Sabti ah(23/4/22)-ka.Dadka ku dhinta qaraxaas ka dhacay goobta lagu sifeeyo batroolka sharci darada ah ayaa uu gubtay jirooda gebi ahaan sida uu sheegay madaxa golaha khayraadka batroolka dalkaas Nayjeriya Mr.Goodluck Opiah.Dalka Nayjeriya waa dalka leh tirada ugu badan ee goobaha lagu sifeeyo batroolka sharci darada ah qaarada Afrika oo dhan,waxaane la sheegaa batroolka la xado iyo kan la burburiyo ee dalkaas Nayjeriya halkii maalin inuu dhan yahay 200,000-barmiil oo saliid ceyriin ah tasine waa khasaaro aad u xoogan soona gaarto dhaqaalaha dalkaas Nayjeriya.

XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

CUSMAAN KAVALA OO LA XUKUMAY.

Next
Next

QARAXYO KA DHACAY AFGAANISTAAN.