FARANSIISKA OO JEEDIYEY EEDEYN.
(MAALI)-Dalka Maali oo ah dal uu gumaystay Faransiiska kana mida wadamadda Afrika ee la daalaa dhacaayo la dagaalanka Daacish iyo Alqaacidda ayaa waxaa kaalmo u fidiyey ciidamadda dalka Faransiiska si dalkaas Maali looga saaro kooxahaas,hadda oo Faransiiska isaga baxay dalkaas Maali eeyna soo galeen calooshood u shaqeystayaal u dhashay dalka Ruushka loona yaqaano Wagner ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in ciidamadda Faransiiska laayeen dad reer Maali ah dabadeedna ku duugeen qubuur aan la aqoon meel eey ku yaliin,waxaane la soo saaray filim eey soo duubaan Wagner kuna muujinaayaan in ciidamada Faransiiska sameeyeen dil arxan dara ah taasne uu iska diiday Faransiiska kuna tilmamay Masraxiyad.
XIGASHO THE GUARDIAN.