QARAX KA DHACAY DALKA AFGAANISTAN.

QARAX KA DHACAY AFGAANISTAAN.

(ISLAMABAD)-Ugu yaraan shan iyo toban qofood ayaa ku geeriyootay waxaane ku dhaawacantay todobo iyo labaatan kale ka dib markii uu Bam ku qarxay gobolka Samangana ee Waqooyiga dalka Afgaanistaan maanta oo Arbaca ah. Bamka ayaa waxa uu ku dhex qarxay goob uu ka socday aqoon is weydaarsi kuna saabsan diinta waxaane ka soo qeybgalay boqolaal qofood eyna ka mid yihiin arday,qaraxa ayaa waxa uu dhacay waqti dadka eey ku jireen dukashada Salaada Casir,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee TOLO ee dalkaasi Afgaanistaan.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA SWEDEN OO LAGA YAABO IN LA XIRO…

Next
Next

DOORKA DUMARKA EE HUBKA LA QAATO…