PUNTLAND OO QABATAY HUB IYO RAGII WATAY OO…
(SAWIRKA)-ARGAGIXISADII LAGU QABTAY PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntlanda ee Garawe ayaa sheegaayo in Ciidamadda PMPF oo kaashanaayo Hayadda Sirdoonka Puntland ee PISA ey gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ey sheegeen iney ka tirsan yihiin shabakado gacan saar la leh Argagixisadda kuwaaso isugu jira Soomaali iyo Ajaanib. War Saxaafadeed ka soo baxay taliska PMPF Puntland ayaa lagu sheegay in ciidanku gacanta ku soo dhigeen Hub iyo walxaha Qarxa kuwaaso kala ah”Budada laga sameeyo Qaraxyadda, Miinooyin,Bambooyinka laga tuuro gacanta,Hoobiyeyaal iyo Agab kale”,Mana ey jirto faahfaahin intaas dhaafsan ey hayadaha Amniga Puntland ey ka bixiyeen dadka iyo hubkooda ey soo qabteen. Dhinaca kale,Waqooyiga Gaalkacyo ee hoostaga Dawladda Puntland ayaa laga soo sheegayaa in Xabsiga dhexe ey habeenkii xalay ahaa ey ka baxsadeen Maxaabiis ka tirsaneed kooxda Alshabaab kuwaaso ku kala xukunaay dil Toogasha ah iyo xabsi Daa’in ah,tirada Maxaabiista ka baxsatay Xabsiga ayaa lagu sheegay iney dhammayeen ilaa 12-Maxbuus,waxayne dawaladda Puntland dhawr saacad ka hor sheegtay iney soo qabatay ilaa 9-Maxbuus oo ka mid ahaay 12-kii Maxbuus ee ka baxsaday xabsiga habeenkii xalay, waxaane weli lagu raad joogaa seddexdii kale oo weli dhuumaaleysanaya gudaha iyo hareeraha Gaalkacyo.
ISHA/SB-MEDIA.