GACAN YARIHII AXMED DIIRIYE OO LA SOO QABTAY.

(SAWIRKA)-HORJOOGIHII UGU SAREEYEY ALSHABAAB OO LA SOO QABTAY.

(GALGADUUD)-Wararka ka imaanayo Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidamadda Amniga ee ka hawlgala halkaasi ey gacanta ku soo dhigeen Horjooge Sare oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Alshabaab. Hawlgal Qorhsheysan oo ey Ciidamda Amaanka ka fuliyeen Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh oo kooxda Khawaarijta Alshabaab u qaabilsanaay Horjoogane u ahaay kooxda soo ururisa lacagaha baada ah ey Khawaarijta Alshabaab u taqaano Zakawaadka ee Gobolka Galgaduud. Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday Horjoogaha Khawaarijta Alshabaab ee Gobolka Sh/dhexe ka hor inta aanan Khawaarijta Alshabaab laga xureyn degaanada Gobolka Sh/dhexe ee maamulka H/shabeele. Horjoogahaan dhiigya cabka ah ayaa ka soo hawgalay Goboladda Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu dhaw Horjoogaha Khawaarijta Alshabaab ee Axmed Diiriye. Hayadaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxaa ka go’an iney sharciga horkeenaan dembiilayaasha ka tirsan Khawaarijta Alshabaab ee la soo qabto iyagoo ku dhuumaaleysanayo goobaha ey kaga sugan yihiin dalka kuna dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRRADDA OO NUS MILYAN UGU..

Next
Next

PUNTLAND OO QABATAY HUB IYO RAGII WATAY OO…