PARIS: MAQAAYAD AFDUUB DAD LOOGU HAYSTO.

(SAWIRKA)-MAQAAYADA AFDUUBKU KA DHACAY.

(PARIS)-Nin Mindi sita ayaa Sabtida maanta ah waxa uu dhawr qofood oo shaqaale ah ku qafaashay Maqaayad Aabihiis leeyahay oo ku taalo duleedka caasimadda Paris ee dalka Faransiiska.iyadoo ciidamo fara badan oo Boolis ah ey hareereyeen dhismaha. Maqaayadda Pizzeria waxay ku taalaa magaaladda Issy-Les Moulineaux ee duleedka Koonfur-Galbeed ee caasimadda Paris oo aan ka fogeyn wadada Paris ee giraant. Ninkan ayaa gacanta ku ahyey”Seddex ama afar shaqaale ah”balse ma jirin wax macaamiil ah ama dad shacab ah oo ka mid ah dadka la afduubay sida ey ilo Boolis ah u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP. Booliska tegay goobta mashaqada ey jirto ayaa derbi amni oo adag dhigay halka dadka lagu haysto ee ah gudaha Maqaayadda. Ninka afduubka geystay ayaa isku soo xiray Maqaayadda Aabihiis wax yar ka dib 1-dii Duhurnimo ee waqtiga Maxaliga ah,il wareed ayaa sheegtay in goobta loo soo diray dhexdhexaadiye si loo soo badbaadiyo lahaystayaasha.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

NISA OO SOO BANDHIGTAY RAG ALSHABAAB U…

Next
Next

KULANKA LABADA AQAL EE BJFS OO BERRI LOOGA…