NISA OO SOO BANDHIGTAY RAG ALSHABAAB U…

(SAWIRKA)-RAGII U SHAQEYNAAYEY ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Marka laga soo bilaabo waqtigii uu bilawday dagaalka looga soo horjeedo kooxda ALshabaab ma aha mid dhaw balse waxa uu soo maray heerar kala duwan oo Xukuumadihii dalka soo maray ayaa midba tan ka dambeysa ey u sii dhiibaysay,in kastoo Xukuumadii uu Hogaaminaayey Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmajo lagu dhaliilay iney wax muqda ka qaban weerarada kooxda ALshabaab ee ka dhaca dalka gaar ahaan gudaha caasimadda Muqdisho waxa eyna Xukuumaadaasi mutaysatay in loogu yeero magaca ah’LABA ALSHABAAB”. Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/2022-kii ayaa noqotay mid shar u ahayd kooxda Alshabaa oo waxaa bilawday dagaal toos ah misane aan kala go’o lahayn oo kooxda ey kala kulantay Ciidanka Dawladda Federaalka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan sida NISA, CXDS, BOOLISKA IYO ASLUUBTA,waxaa intaas barbar socday eyna waday DFS dagaal dhinaca dhaqaalaha ah oo kooxda waxaa laga xiray ilihii dhaqaalaha ka soo geli jiray oo ey ugu horeyso lacagihii Ganacsatada reer Muqdisho laga qaadi jiray,waxaa kaloo kooxda Alshabaab laga xiray Akoono ey ugu jireen lacag gaareyso ilaa malaayiin Doolarka Maraykanka ka dibne ey dib ula wareegtay DFS. Culeyska fuulay kooxda Alshabaab ayaa ahaa mid laga dareemay kooxda gudaha caasimadda Muqdisho iyo goboladda dalkaba waayo waxa ey kooxda awoodi kari weysay iney difaacato dhul baaxad weyn ey iyadu horay uga talin jirtay dhawr iyo toban sano hadane ah goobo ey maamusho DFS, Hadaba maxaa maanta soo kordhay?. Ciidamo ka tirsan Hayadda Nabada Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ku guueystay iney magalaada Muqdisho kasoo dhex qabtaan rag la sheegay iney kooxda ALshabaab u qaabilsnaayeen dhinaca Caafimaadka,raga la soo qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Kooshin Maxamuud Axmed oo kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Isbitaaladda iyo Daryeelka Bukaanada Alshabaab ee la keeno Muqdisho iyo Keyse Faarax Xasan magaciisa afgaradka ah uu yahay Axmed-Yare,ninkaan ayaa kooxda Alshabaab u ahaa Takhtar u qaabilsan Daaweynta Bukaanka Alshabaab ee jooga Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, waxaane Keyse adeerkiis ah Horjoogaha Alshabaab u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidaw. In ragaan la soo qabto ayaa ah mid aan sahlaneyn balse waxaa muuqato in shacabka reer Muqdisho iyo Hayadaha Amniga ee caasimadda uu ka dhexeeyo iskaashi Amni oo aad u sareeyo.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

BAARLAMAANKA 11-AAD EE JFS OO MAANTA ANSIXIYEY…

Next
Next

PARIS: MAQAAYAD AFDUUB DAD LOOGU HAYSTO.