KULANKA LABADA AQAL EE BJFS OO BERRI LOOGA…

(SAWIRKA)GOLAHA SHACABKA BJFS.

(MUQDISHO)-Sida caadada ahayd berri oo Sabti kuna beegan 16/11/2024-ka ayaa la filaa in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Labadiisa Aqal iney yeehsaan fadhi Wadajir ah kaaso maalmahaan dambe ka socday magaaladda Muqdisho. Baarlamaanka ayaa hadda ku jira Kalfadhigiisii 5-aad laakinse kulanka berri dhacaayo ayaa ah Kulankii sideedaad ey si wadajir ah u yeeshaan Labada Aqal ee BJFS. Ajandaha Kulanka 8-aad ee Kalfadhiga 5-aad ayaa ah : (1)-Akhrinta Seddexaad iyo u Codeynta Hindisaha Xeerka Dhisidda Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. (2)-Akhrinta Labaad ee Hindisaha Xeerka Ururadda Siyaasadda iyo Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. kooramka Baarlamaan ayaa ugu yaraan ku furma Golaha Shacabka oo ah 142-Xildhibaan iyo Golaha Aqalka Sare oo ah 28-Senitar, wixii intaas ka yar waxa ey noqoneysaa inaan la furi karin fadhiga baarlamaanka ee wadajirka ah. Goobta ey berri fariisanayaan Labada aqal ayaa ah Xarunta Golaha Shacabka ee BJFS ee Villa Hargeysa,Waqtiga ayaa lagu sheegay inuu yahay 9:00-Subaxnimo ee waqtiga caasimadda Muqdisho. LA SOCO WIXII KA SOO BAXA.

SB-MEDIA.

Previous
Previous

PARIS: MAQAAYAD AFDUUB DAD LOOGU HAYSTO.

Next
Next

WASIIRAD KHADIJA AL-MAKHZUMI OO HADAL KA JEED…